Kenya oo Soomaaliya soo galisa Waxyaabaha Qarxa Taas oo Dabada Ku Wataa Dembiyo-Dagaal

Warbixin uu Guddiga Khubarada ee ​la socodka Arrimaha Soomaaliya uu u gudbiyay Golaha Ammaanka ​ee Qaramada Midoobay bishii November 2019, ayay ku xaqiiqsadeen in ilaa iyo 12 siiman isgaarsiin “telecom towers” ay burburiyeen ciidamada difaaca Kenya,​ kaddib markii  ay shan weerar la beegsadeen diyaaradaha Kenya siiman​ka ay leedahay shirkada Hormuud, oo ah shirkadda ugu weyn ee bixisa adeegyada isgaarsiinta iyo hawlaha bankiyada dalka Soomaaliya (APNews – 15/11/2019).

War laga soo xigtay warbixin uu Abril 2019 soo saaray Guddiga Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliyeed ayaa muujiyay in ciidamada Kenya ay burburiyeen kaabayaasha muhiim ka ah ee isgaarsiinta dalka oo lagu qiyaasay ilaa 2.5 milyan ​oo doolar, mudaddii u dhexeysay 2012 ilaa 2019 .

Weerarradaas argaggixiso waxay caqabad weyn ku noqdeen ​gaarsiinta gargaarka bina’aadamnimada ee bulshooyinka saboolka ah ee abaaraha iyo colaadaha aafeeyeen. Gaar ahaan waxay saameyn daran ku yeesheen adeegyada daruuriga u ah noolal maalmeedka dadwaynaha deegaankaas, sida isgaarsiinta, adeegga EVC-Plus iyo xawaaladaha ay ka helaan qoysaskooda qurbaha ku nool.

Khubarada ka faallooda dhaqaalaha gobolka ayaa rumeysan in dowladda Kenya ay burburinta kaabayaasha ka leedahay ujeedooyin siyaasadeed iyo cadaadis dhaqaale, walow ay suuraggal tahay in shirkadda Safaricom oo ka walaacsan in lagu ciriiriyo suuqa waqooyi-bari Kenya (NFD), ishana ku haysa suuqa Soomaaliya ay u adeegsato cutubyo ka tirsan ciidamada Kenya – oo iskugu dhafan kuwo hoos yimaad AMISOM iyo kuwo kaleba.

Xukuumadda Kenya ayaa caadaysatay inay beeniso in ciidamadeedu ay ku lug leeyihiin weerarrada lagu naafeenayo isgaarsiinta deegaanadda ku yaala xuduuda Soomaaliya. Waxaa dad badan ka yaabisay in warbaahinta Kenya u qiil samayso weerarraddaas, kuna sifeeysa mid looga aargudanayo Alshabaab.

Wasiirka Isgaarsiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Injineer Cabdi Canshuur Xasan oo ka cabanayo weerarrada joogtada ah iyo warcelin la’aanta Nairobi ayaa yiri “cadow ayaa si cad u soo weeraray dhaqaalaha Soomaaliya,” wuxuuna ka codsaday AMISOM inay baarto dhacdooyinkaas.

Falanqeyeyaasha Geeska Afrika ayaa rumeysan in burburinta kaabayaasha baaxadaas le’eg, aysan dhaawaci doonin ​oo keliya dhaqaalaha nugul ee Soomaaliya, balse abuuri doonaan xasilloni darro ku baahda gobolka.

Shirkadda Hormuud, ma aha oo keliya canshuur-bixiyaha ugu weyn dalka, balse waxay horyaal u tahay waaxyaha dhaqaale ee Mobile-bangiyada iyo teknogiyada isgaarsiinta oo adeggooda lagama  maarmaan u ah isbeddelka iyo koboca dhaqaalaha gaarka loo leeyahay, islamarkaasna abuura  shaqooyin taya leh, iyadoo tirada dadka ka shaq​eeya ay kor u dhaafeen 30,000.

Waxaa wax lala yaaba ah in ciidamada Kenya ee dalka kusoo galay Oktoobar 2011 inay raacaddaysanaayaan Al-Shabaab, kaddibna lagu biiriyey AMISOM ku kacaan falal dhaawacaya dhaqaalaha, una adeeggaya mustaqbalka dheer in mabda’ xagjirta uu ku faafo gobolka !

Marka la dhuuxo nuxurka warbixinta loo gudbiyay QM, iyo baaritaanka ay sameeyeen khuburadda iyo wargeysyada madaxabannaan, waxay ka midaysan yihiin inay jirto arrimahan:

  1. In saraakiisha Kenya ​ku lug leeyiin shabakadaha dhuxusha dhoofiya iyo ganacsiga sokorta sida suuqa madow loo geliyo gudaha Kenya, oo ah isha ay daqliga ka hesho Ururka Al-Shabaab; ​iyo
  2. Xukuumadda Kenya oo dano siyaasadeed ​ka leh aagga jubbooyinka ee soohdinta la wadaaga, si ay u kasbato maamul goboleed hayin u ah oo ay ku fushato danaheeda. Waxaana taas tusaale cad u ah Maamulka Jubbaland (The Economist 23.11.2015).

Ficillada Kenya waxay si cad uga hor imaanayaan qaraarkii QM ee ​tirsigiisu ahaa 1844 ​ee soo baxay 2008, kaasoo lagu beegsanayey ilaha dhaqaalaha Ururka Alshabaab.

Dhinaca kale, QM waxay dalalka xubnaha ka ah ugu baaqday inay ka digtoonaadaan iibinta amase weydiimaha shakiga dhalin kara, iyo u dhoofinta Soomaaliya maaddooyinka kiimikada ah iyo agabyada electronikada ah ee ay dhici karto in loo isticmaalo samaynta waxyaabaha qarxa. Inkastoo maaddooyinkaas qaarkood loo isticmaalo bacrinta beeraha, haddana Guddiga Kormeera Soomaaliya iyo Eritrea waxuu warbixin ku helay in sanadkii tegay (2018/2019) dalka Soomaaliya loo soo dhoofiyay ilaa iyo 60 tons “potassium nitrate” oo gebi ahaanteed laga soo raray dalka Kenya.

Intii u dhexaysa July 2018 ilaa July 2019 qaraxyada ka dhacay Soomaaliya, waxay kordheen qiyaastii 32% marka la barbar dhigo sanadkii ka horreeyay. Khubarada amniga ayaa rumeysan in qayb ka mid ah maaddooyinkaas ay dhici karto in loo isticmaalay qaraxyadaas.

Sidoo kale, muddadaas waxaa kordhay 36% qaraxyadii ka dhacay gobolka Banaadir marka la barbar dhigo sanadkii ka horeeyay. Nasiibdarro, dowladda Kenya iskuma taxllujin inay ka digto khatartaas, taas oo muujinaysa inay si ulakac ah ugu xadgudubtay xayiraaddii Golaha Ammaanka ee QM.

Istraatiijiyada ay adeegsatay Kenya ayaa si toos ah amase ​si dadban ugu adeegayso argaggixisada Al-Shabaab. Tan iyo February 2019, waxaa sii xumaanayay xiriirka ka dhexeeya Muqdisho iyo Nairobi oo khatar dheeraad ku ah xal u helidda xiisadaha gobolka, kana hortimid danaha amniga labada dal iyo dadaalka beesha caalamka.

Si kastaba ha ahaatee, weerarrada argaggaxa leh ee diyaaradaha dagaalka iyo qaraxyada ee ciidamada difaaca Kenya ay ku bartilmaansanayaan kaabayaasha muhiimka u ah adeegyada dhaqaalaha dalka Soomaaliya, waa dambiyo-dagaal oo ay dowladda Kenya ulakac uga gashay dalka Soomaaliya.

Intaas waxaa dheer, iska indhatirka dowladda Kenya kiimikada iyo agabyada electroonikada ah oo dalkeeda laga soo dhoofiyo, loona adeegsado waxyaallaha qarxa ee lagu xasuuqo dadka rayidka ah, waxay xadgudub ku tahay sharciga caalamiga, waana dembiyo dagaal oo ka dhan ah aadanaha, islamarkaasna khatar toos ah ku ah amniga iyo xasilinta labada dal ee deriska ah.

W/Q Cabdulqadir Cariif & Saciid Cabdisalaam

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -