Erdogan iyo Puntin oo heshiis cusub ka gaaray xaalada Murugsan ee gobolka Idlib

Ruushka iyo Turkiga ayaa heshiis xabbad joojin ka gaaray xiisaddi ka taagneyd gobolka Idlib ee dalka Suuriya.

Heshiiska ay gaareen Ruushka iyo Turkiga ayaa la shaaciyey wadahadal lix saacadood oo xiriir ah Moscow ku dhex maray Madaxweyne Putin iyo Madaxweyne Erdogan.

Xabbad joojinta oo dhaqangalkeeda uu billaabmayey saqdi dhexe xalay xilliga dalka Suuriya wuxuu ka dhaqan galayaa Gobolka waqooyiga galbeed ee Suuriya ku yaalla ee Idlib ee ay xasaradda ka taagneyd.

Heshiiska ay Turkiga iyo Ruushku gaareen ayaana ka kooban Xabbad joojin xalay saqdi dhexe billaabatay, dhulka 6km Koonfurta Idlib ka xiga ee isku xira magaalooyinka Xalab iyo Latakiya oo ay dowladda Suuriya gacanta ku hayso iyo laga billaabo 15-ka March ay Ruushka iyo Turkiga ay wada billaabaan ilaala wada jir ah oo ay ka sameeyaan dhulka ay xiisaddu ka taagan tahay.

Bishii la soo dhaafay ayay 36 askari oo Turki ah ku dileen weerar ay dowladda Suuriya ku soo qaadday Ruushkana uu gacan ka siinayey.

Turkigana wuxuu jawaab xooggan u weerarkaasi ka bixiyey uu ku qaaday Xoogagga Turkiga iyo maleeshiya ay isgarab sadaan.

Dhacdadaasi ayaa ka dhalatay cabsi ah inuu dagaal ay ka dhex abuurto Turkiga iyo Ruushka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -