Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland oo sheegay in uu joogo halka loo yaqaan No man’s land

Madaxweyne Ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay Idaacada BBC-da ayaa ka warbixiyay dagaalkii dhawaan ciidanka Jubbaland looga saaray Degmada Balad Xaawo.

Maxamuud Sayid ayaa sheegay in ciidanka Jubbaland ay ka guureen xeradii hore ay ka degnaayeen Balad Xaawo, waxa uuna tilmaamay in hada degan yihiin xero cusub uu sheegay in ay iska difaaci karaan hadii lagu soo weeraro.

“Waxaan u guurnay xero kale oo isla halkii ah maadaama kii hore uu ahaa goob ay deganaayeen dad rayid ah, kan hadda aan degannahayna waa mid goobaha shacabka ka fog oo haddii nala soo weeraro aan isku difaaci karno”ayuu yiri Maxamuud Sayid.

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland ayaa sheegay in uu hada joogo xadka u dhaxeeya Degmooyinka Balad Xaawo iyo Mandheera gaar ahaan dhulka loo yaqaan ”No man’s land” uu sheegay in saldhig ku leeyihiin ciidanka Jubbaland.

“Waxaan ku sugannahay xaduuda u dhaxeyso Mandheera iyo Beled Xaawo oo ah dhulka la yiraahdo ”No man’s land,” waxaan kusoo boqday ciidanka dowlad goboleedka Jubaland o aaggaas joogaa”, ayuu yiri Maxamuud Sayid.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa beeniyay in dagaalka ay la galeen ciidanka dowlada garab ku siiyeen ciidanka Kenya, waxa uuna tilmaamay in ciidamada Kenya kaliya iska kaashadaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Warkan kasoo yeeray Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland ayaa kusoo aadaya xili dhawaan dagaal ka dhacay duleedka Balad Xaawo lagu jabiyay Ciidamadii Jubbaland oo la sheegay in ay galeen dhanka Mandheera sidoo kale halkaasi joogaan Madax katirsan Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -