Wadamada Afrika uu soo gaaray Cudurka Caronavirus oo la shaaciyay (Akhriso)

Midowga Afrika ayaa qoraal kooban uu soo saaray ku shaaciyay wadamada Afrika ee lagu arkay cudurka halista ah ee Caronavirus , cudurkan ayaana ah mid dunida kusii faafaya dad badana dilaya.

Qoraalka kasoo baxay Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in lix wadan oo kuyaala Qaarada Afrika lagu arkay dad qaba cudurka Coronavirus, kuwaa oo la sheegay in ay kasoo qaadeen wadamo kale ay tageen.

Wadamada Afrika ee lagu arkay Cudurka Caronavirus ayaa kala ah Aljeeriya,Masar Neyjeeriya, Marooko, Senegaal iyo Tunusia, waxaana jirta cabsi laga qabaa in wadamo kale oo qaarada kuyaala in Cudurka kusii faafo.

Cudurka Caronavirus ayaa markii ugu horeesay ka dilaacay dalka Shiinaha, waxaana cudurkan galaaftay nolosha dad ka badan3-kun oo qof halka ay hada la il daran yihiin dad ku dhaw 100-kun qof oo wadamo kala duwan kunool.

- Advertisement -