DF oo go’aan ka soo saartay Maamulkii Rugta Ganacsiga ee G/Banaadir (Akhriso)

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha xukuumada Somalia ayaa maanta soo saartay amar lagu kala dirayo maamulka Rugtii Ganacsiga ee Gobolka Banaadir.

Qoraalka ka soo wasaarada isla markaana uu ku saxiixnaa wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cali Xasan ayaa lagu sheegay in sababaha lagu kala diray maamulkaasi ay ka dhalatay magacaabistii maamulka Rugta Ganacsiga gobolka Banaadir.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay qoraalka in dhawaan wasaaradda, Gobolka Banaadir iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed oo la tashanaya ganacsataa gobolka ay soo magacaabi doonaan maamulka rugta ganacsiga gobolka Banaadir.

Arintan ayaan ku soo beegantay xilo maalmo ka hor ciidamada NISA ay xabsiga dhigeen gudoomiyihii Rugtii Ganacsiga ee Gobolka Banaadir iyo ku xigeenkiisa ka dib markii la helay warbixino sheegaya in magacaabistooda ay ka dambeysay Al-Shabaab.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASAARADA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -