Wasiir Cawad & wakiilka QM ee Somalia oo ka wada hadlay arrimo Muhiim ah (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa shalay gelinkii dambe oo Arbaco ahayd kula kulmay Muqdisho, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (SRSG) ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Mudane James Swa.

Waxay ka wadahadleen xaaladaha siyaasadda, ammaanka iyo bani’aadannimada ee dalka iyo howlaha qaran ee waajib ay tahay in la fuliyo inta lagu gudajiro xilliga nagu soo fool leh.

Soomaaliya waxa ay taageereysaa dadaallada Qaramada Midoobey ee heer kastaba leh ee siyaasadeed , nabadgelyo iyo bani’aadannimo ee dalka si hore loogu dhaqaajiyo geediga xukuumadda federaalka si loo hubiyo dhowrsanaanta midnimada dhuleed iyo madax banaani ee dalka, iyadoo taageero farsamo iyo sahay la siinayo ciidamada qaranka iyo kuwa amniga ee qeybaha kala duwan leh si loo kobciyo nabadda iyo xasiloonida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -