Waa Maxay shakiga uu Xasan Shiikh ka qabo doorashada soo socota ee dalka ka dhaceysa?

Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa shaki ka muujiyey in doorashooyinka soo socda ay dhacaan xiligii loogu talo galay, isagoo ka digay muddo kororsi lagu sababeeyo duruufo aan doorasho lagu qaban Karin.

Hoos ka akhriso Qoraal arrimahan ku saabsan oo Xasan Sheekh uu soo dhigay baraha bulshada:-

Iyadoo baryahaan Golaha Shacaba ee baarlammaanka ka doodayo xeerka doorashada JFS, in siyaasiyiinta qaarkood iyo dad sheegta iney qubaro yihin ay ku doodayaan ifinta Waddo suurtagalineyso in la sammeeyo KORORSIIMMO xilliga hay’adaha dastuuriga qaarkood iyadoo lagu sababeynayo haddii ay dhacaan duruufo aan doorasho laga qaban karin.

Lix bilood ayaa doorashada dib loo dhigayaa haddii ay dhacaan duruufahaas – kuwaas oo aan la garaneyn waxa ay yihiin. Haddii lix bilood looga bixi waayana, baarlammaanku waa joogayaa ee madaxda ayaa la dooranayaa. Baarlammanku wuxuu joogayaa markaas ilaa xilli aan la garaneyn isna.

Waxaan rabaa dadka Soomaaliyeed inaan la wadaago taariikhda doorashooyinka ee dalkeenna.

1964tii dalka Soomaaliya waxaa laga qabtay doorasho iyadoo dalku ku jiro dagaal. Xilligaas waxaa soo baxay halhayskii caanka noqday ee ahaa “GACANNE WAXBAAN KU DOORANEYNAA GACANTA KALENA DALKAAN KU DAAFACEYNAA”.

Doorasho lagu guuleystay ayaa dhacday iyadoo dagaalkii uu Socodo.

2011-2012 iyadoo lagu jiro qabanqaabadii doorashada waxaa dalka ka dhacay abaaro ba’an. Abaarahaas waxaa nooga dhintay, AUN 250 kun oo Soomaali, Shabaabne waddooyinka magaalada Xamar qaar ayey dhufeysyo ka qoteen oo dagaal looga saaray, doorashadiina waa dhacday.

2016 Dagaalka shabaab waa jiray oo waa tii ay weerareen Madaxtooyo, Maxkamadda, Baarlammaanka iyo xarumaha AMISOM iyo UNka intaba. Haddane sidaas oo ay tahay nagama hor istaagin doorasho.

Haddaba, haddii aan leennahay taariikh doorasheedkaas iyo waayo aragnimadaas, waa maxay duruufaha iyo masiibooyinka intaas aan soo sheegnay ka weyn ee aan la garaneyn ee siyaasiyiinta qaar ay arkaan.

Kororsiimo hay’adaha dastuuriga ah waxay ka hor immaaneysaa dastuurka JFS ee aan ku dhaqaanno. Sidoo kale kororsiimadu waxay ka hor immaaneysaa xaqa dastuuriga ah ee ah muwaaddinku in la doorto iyo inuu wax doorto.

Waxaan ku soo gabagabeynayaa madaxda hay’adaha dastuuriga ha ilaaliyeen dhaqanka dimiqraadiga ah ee curdanka ah ee dalkeenna. Sidoo kale xildhibaannada baarlammaanka federaalka ee jamhuuriyadda ha dhowreen dhaartii ay dhaarteen iyo wixi ay u dhaarteen ee ummaddu ku aamintay.

Waxaan leeyahay doorashadu waa ASTAAN dowladnimo oo leh xeer iyo dhaqan dimoqraadi ah.

Madaxda hay’adaha dastuuriga ah iyo golayaashaba waxaa looga fadhiyaa oo laga wada sugayaa doorasho ku dhacda waqtigeedii.

INAAN JOOGO JECLAAYAA DALKAAN DANI UGUMA JIRTO.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -