Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Wararkii ugu dambeeyey Dagaal ka qarxay duleedka Magaalada Gaalkacyo

Dagaal u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed ayaa ka socda degaano ka tirsan duleedka Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Maleeshiyaadka uu dagaalka ka dhexeeyo ayaa waxay ka soo kala jeedaan Puntland iyo Galmudug, waxaana la soo werinayaa inuu khasaaro ka dhashay dagaalkaasi.

Dagaalka xoogiisa ayaa waxaa uu ka socdaa degaanka Af-barwaaaqo, waxayna wararku sheegayaan inay qeyb ka yihiin dagaalkan gaadiidka dagaalka ee labada maleeshiyo.

Ugu Yaraan shan qof ayaa ku geeriyootay, kuwaasoo ka mid ah dhinacyada dagaalamaya, halka dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay sida ay sheegayaan warar xog ogaal ah

Labada maleeshiyo ayaa isku haysta dhul daaqsimeedka ku yaala deegaanka Afbarwaaqo ee gobolka Mudug, Mana jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulada Puntland iyo Galmudug, inkastoo warar soo baxaya sheegayaan iney socdaan dedaalo lagu qaboojinayo xiisada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

IGAD oo War kasoo saartay Rabshadihii ka dhacay Muqdisho iyo Xaalada hada taagan

Cabdi Cade

Faysal Cali Waraabe: ”Muuse Biixi ma joojin karo wadahadalka Somalia & Somaliland”

Caydiid Ali

Ra’iisul Wasaare Xamse oo la kulmay Dhaqaatiir Dibadda uga timid gurmadka Qaraxii Soobe (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---