Nin qabri uu u qodayay meydka gabadhiisa ka dhax helay gabar kale oo nool !!

Warbaahinta dalka Hindiya ayaa hadal heysa dhacdo dad badan layaab ka noqotay kadib markii nin gabar yar oo ka saqiirtay qabri uu u qodayay ka dhax helay gabar kale oo nolol lagu aasay.

Abhinandan Singh oo katirsan saraakiisha booliiska dalka Hindiya ayaa sheegay in nin kunool tuulo kutaala Waqooyiga Hindiya xili uu qabri u qodayay gabar markii la dhalay ka geeriyootay uu qabriga ka helay gabar kale oo nool.

Sargaalka ayaa sheegay in gabadha nolosha lagu helay lagu aasay qabri hoos u qodan qiyaastii 3ft (90cm), waxaana ninka godka qodayay layaab ku noqotay in godkii uu gabadhiisa ku aasi lahaa ka helo qabar kale oo nool.

Gabadha qabriga laga soo saaray ayaa durba loola cararay isbitaal halkaas oo lagu daweenayo ,waxaana booliiska durba bilaabeen baaritaanka lagu sameenayo dadkii ka dambeeyay in gabadhaasi nolosha lagu xabaalo.

“Waxaan isku dayeynaa inaan helno waalidiinta dha;ay gabadha qabriga laga soo saaray, waxaana ka shakisannahay inay ka war qabaan sida ay wax u dhaceen, raallina ay ka ahaayen”, ayuu yiri Abhinandan Singh.

Gabadha yar ee nolosha lagu aasay ayaa la dhax galiyay aashuun lala galiyay godka, waxaana dhacdadan aad uga naxay dadka deegaanka laga helay kuwaa oo codsaday in cadaalada la horgeeyo dadkii falkaasi ka dambeeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -