Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Axmed Madoobe oo dalbaday Wadahadal iyo Heshiis uu la gaaro dowlada federaalka

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo xalay ka hadlay munaasabad lagu sagootinayay wafuudii ka qeyb gashay caleemo saarkiisa ayuu ku shaaciyay in uu diyaar u yahay wadahadal iyo dib u heshiisiin.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in khilaafka kala dhaxeeya dowladda Federaalka uu diyaar u yahay in wada hadal lagu xaliyo, waxa uuna xusay in diyaar u yahay cid kasta oo wax ka tabaneysa miiska wadahadalka la fariisto.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Jubbaland in dowlada federaalka ay tahay hooyada federaalka ee dalka loogana baahan yahay in ay saxdo, waxa uuna ugu baaqay dowlada in dadka isku keento wanaagana ka shaqeyso.

“Waxaan rabnaa wadanka dowladda iyada ayaa xukunta annaga khilaaf ma wadno hoggamintooda ayaan rabnaa xumaan ma wadno, waxaana diyaar u nahay wax kasta oo lagu xalin karo khilaafka gudaha iyo kan dibada”ayuu mar kale yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa mar kale wadahadal ugu baaqay dhinacyada kasoo horjeeda ee Kismaayo jooga, waxa uuna sheegay in cid kasta ay uga wakiil tahay sidii khilaafka loo xalin lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo weerar culus oo qaraxyo ku bilowday ku qaaday talis weyn

Cabdi Cade

AMISOM oo ka jawaabtay eedeyntii Dowlada Soomaaliya u jeedisay ciidamada Kenya

Caydiid Ali

“Farmaajo & Khayre ka hor, Somalia waxay la mid ahayd; Markab badwayn ku quusay”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---