Dib u dhac ku yimid furitaanka Shirka Dib u heshiisiinta Galmudug iyo Sababta keentay

Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in maanta mar kale dib u dhac ku yimid furitaanka shirweynaha dib u heshiisiinta beelaga dega Galmudug.

Wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya iyo guddiga qaban qaabada shirweynaha Dib u heshiisiinta ayaa horey u shaaciyay in shirka furmayo maanta oo arbaco ah kuna beegan afarta bisha September.

Xubno katirsan guddiga qaban qaabada shirweynaha dib u heshiisiinta ayaa sheegay in shirka furitaankiisa maanta dib u dhacay, waxa ayna xubnahan dib u dhaca ku sheegeen mid ku timid cilad farsamo.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan magaalada Dhuusomareeb ayaa la filayay in uu maanta shirka furo, lamana oga wali xiliga rasmiga ah uu shirkaasi furmi doono.

Furitaanka shirweynaha dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudug ayaa marar badan sidan oo kale u fashilmay, waxaana shaki la galinayaa sida ay shaqada u wadaan guddiga dowlada u magacawday qaban qaabada shirkan dib u heshiisiinta ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -