Madaxweyne Trump oo codsaday in uu la kulmo Xi Jinping iyo Sababta keentay

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ka dalbaday dhigiisa dalka Shiinaha Xi Jinping in ay kulan gaar ah yeeshaan si ay uga wada hadlaan dibad baxyada rabshadaha wata ee ka socda Honk Kong.

Qoraal uu Trump soo dhigay barta uu Twitterka ku leeyahay ayuu ku sheegay in kalsooni badan ku qabo in Madaxweyne Xi Jinping uu xal u heli karo khalalaasaha iyo rabshadaha ka socda dhulka Honk Kong.

” Xi Jinping waa hogaamiye wanaagsan oo dadkiisa si weyn u qadariya, waxaan rumeysanahay in madaxweyne Xi uu xaaladda si deg deg ah u xallin doono iyadoo la ilaalinayo xuquuqda adaanaha”. ayuu yiri Madaxweyne Trump.

Madaxweyne Trump ayaana ka codsaday Madaxweynaha Shiinaha in ay isugu yimaadaan kulan gaar ah si ay uga arinsadaan xaalada ka taagan Honk Kong iyo sidii xal siyaasadeed loogu heli lahaa dibad baxyada halkaasi ka socda.

Hong Kong waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday dibad baxyo xoogan oo looga soo horjeeday Xukuumada Shiinaha, waxa ayna dibad baxyada sababeen in uu xirmaan garoomada diyaaradaha iyo xarumo kale oo muhiim ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -