Odayaal u hogaansamay amar dhowaan ka soo baxay Al-shabaab oo xabsi la dhigay

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay Odayaal ka mid ahaa ergadii soo xulatay Xildhibaanada baarlamanka Somalia oo u hogaansamay amar dhowaan ka soo baxay Al-shabaab sida uu sheegay taliyaha Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed Mahad C/raxmaan Aadan.

Amarkan oo ay Al-shabaab soo saareen 15kii bishan ayey Odayaashii soo xulay Baarlamaanka Soomaaliya ugu qabteen 45 cisho inay isaga diiwaangeliyaan meelaha ay ka taliyaan, iyagoo ku hanjabay in Odaygii aan qaadan amarkooda muddadaasna isku diiwaangelin waaya uu wajahayo sharciga sida ay sheegeen.

Taliyaha Mahad ayaa kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka ee Magaalada Baydhaba ka sheegay iney xabsiga dhigeen xubno ka soo laabtay degaanada Al-shabaab oo amarkaas u hogaansamay, wuxuuna odayaasha kale uga digay inaysan tagin meelaha  ay ka taliyaan Al-shabaab.

Mahad ayaa sheegay in odaygii lagu arko isaga oo tagaya meelaha ay ka taliyaan Al-shabaab uu iyaga la mid yahay isla markaana la xirayo sharcigana la horgeynayo.

Al-Shabaab ayuu sheegay inay odayaasha cabsi gelinayaan balse waxaa uu sheegay in amaankooda ay sugayaan ciidamada amaanka Maamulka koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -