Booliska Filipiin oo qabtay nin ka tirsan Al-shabaab oo heystay Waxyaabo qarxa

Saraakiisha Booliska dalka Filipiin ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Nin u dhashay dalka Kenya oo ka mid ah kooxda Al-Shabaab kaasoo magaciisa lagu sheegay Choclo Abdi Abdullah.

Ninkan ayaa laga qabtay Hotel ku yaalla degaanka  Zambales oo ku yaalla Waqooyiga magaalada ah caasimada ah ee Manila.

Dowlada Kenya ayaa horey u baadi goobeysay ninkan, iyadoo u jartay warqad lagu soo xirayo, ka dib markii uu ku biiray Al-shabaab sanadkii 2012-kii.

Waxyaabaha qarxa, maadooyin hub loo adeegsan karo, bastoolad iyo bambooyin ayaa la sheegay in laga helay qolka uu ninkan ka degenaa hotelka laga soo xiray sida booliska sheegeen.

Saraakiisha laamaha amaanka ee dalka Filipiin ayaa la sheegay iney haatan baaritaan ku hayaan nnkan si ay u ogaadaan qorshaha uu damacsanaa iyo iney jirto shakabad la waday howlaha uu gacmaha kula jiray.

Dowladda Philippines ayaa sheegtay in Cabdullahi uu magaalada Pasay Iskuul ku yaalla ka baranayay duuliyenimada, iyagoo dhinaca kale tilmaamay inuu ka been sheegay dokumentiyada uu ku joogay dalkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -