Raisul Wasaare Khayre oo booqday Xarumo ku yaalla degmada Guriceel (Sawirro)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa booqday isbitaalla Galguduud ee magaalada Dhuusamareeb iyo Isbitaalka Istarliin ee Guriceel.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo u kuur gelayay xaaladda caafimaad ee magaalooyinka uu booqday ayaa xog-wareystay maamullada ka jira istibaallada oo la wadaagay baahiyaha ay qabaan ee u baahan in wax laga qabto.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa booqday Xarunta Tababarrada Farsamada Gacanta Galguduud oo ku taalla magaalada Guriceel ee gobalka Galguduud.

Tubta horumatinta arrrimaha bulshada oo kamid ah tubaha qaranka, ayaa halbeegyada ugu waawayn waxaa kamid ah in dadka Soomaaliyeed ay helaan adeegyo caafimaaad iyo waxbarsho oo tayo sare leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -