Madaxweyne Xaaf oo shir deg deg ah isugu yeeray Madaxda maamul goboleedyada

War Qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa loogu baaqay Madaxda maamul goboleedyada dalka in ay isugu yimaadaan shir deg deg ah.

Shirkan deg deg ah uu ku baaqay Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa ka dhacaya magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta maamulka Galmudug, waxaana shirkan diirada lagu saarayaa xiisada dowlada federaalka iyo maamulada ay kamid tahay Galmudug.

Warka kasoo baxay xafiiska Xaaf ayaa lagu sheegay in dowlada federaalka ku mashquulsan tahay bur burinta maamulka Galmudug , waxa ay sidoo kale Galmudug ku eedeesay dowlada federaalka in ay go’doomisay ayna jartay deeqihii ay heli jirtay.

Maamulka Galmudug ayaa ugu baaqay beesha caalamka in il gaar ah ku hayaan xaalada dalka Soomaaliya gaar ahaan xiisada siyaasadeed ee u dhaxeysa dowlada federaalka iyo maamulada qaar .

Shirkan deg dega ah uu ku baaqay Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaan la ogeyn xiliga rasmiga ah uu qabsoomi doono, waxa uuna shirkan iclaamintiisa imaanayaa xili uu horey u fashilmay Shirkii garawe ee Madaxda federaalka iyo kuwa maamulada ku yeesheen

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -