Qalab jira in ka badan 2-Malyan oo sano oo laga helay dalka Itoobiya

Gobolka Canfarta ee dalka Itoobiya ayaa laga helay qalab la sheegay in uu jiro  2.6 malyan oo sano, waxaana qalabkan helay Saynisyahano caalami ah iyo kuwa kasoo jeeda dalka Itoobiya.

Seynisyahannada helay qalabkan wax ay ku tilmaameen qalabkii labaad ee ugu xilliga dheeraa ee la arko, waxa ayna seynisyahanada hada wadaan baaritaano dheeraad ah ay qalabkan ku sameenayaan.

Qalabkan cimriga dheer ee laga helay Itoobiya ayaa ka kooban dhagaxyo iyo agabyo kale oo waqti badan jira sida uu baahiyay wargeyska ka faallooda arrimaha taariikhda iyo dabiiciga ee Nature World News.

David R Braun, oo qeyb ka ah cilmi baaristan ayaa sheegay in qalabkan dhagxyada ah waa hore la adeegsan jiray, waxa uuna xusay in  100,000 oo sano ka weyn yihiin qalabyadii kale ee laga helay Itoobiya.

Dhagaxyadii ugu da’da weynaa ee abid la arkay ayaa laga helay dalka Kenya waxaana da’dooda lagu sheegay 3.3 malyan oo sano, waxaana dhagaxyadan cusub ee laga helay Itoobiya iyana gali doonaan taariikhda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -