Golaha Wasiirada Somalia oo ansixiyey heshiisyadii ugu badnaa ee lala galay dowlada Turkiga (Daawo Sawiro)

Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay Magaalada Muqdisho, waxaana shir guddoominayey Ra’isul Wasaare Mudane Xasan Cali Kheyre.

Waxaa lagu ansixiyay shirkan heshiisyo dhawaan lala soo galay dowladda Turkiga, iyadoo sidoo kale looga hadlay qodobo kale oo ay ka mid yihiin xoojinta hannaanka Caddaalada, amniga, dhaqaalaha, doorashooyinka 2020-ka iyo arrimo kale.

Ra’isul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa golaha warbixin ka siiyey safarkii uu ku tagay dalka Hindiya, isagoo sheegay in Madaxweynaha dalkaas ay ka wada hadleen xoojinta xariirka labada dal, wuxuuna intaas ku daray in dowladda Hindiya oggolaatay in Visaha dalkaasi lagu gelayo lacag la’aan looga dhigo Soomaalida.

“Madaxda Hindiya waxaan ka wada hadalnay hannaanka isku socodka ee labada dal iyo xaalada Soomaalida joogta Hindiya, waxayna balan-qaadeen inay ka shaqayn doonaan is-dhexgalka labada bulsho, si loo hagaajiyo loona fududeyo hannaanka isku socodka ee labada dawladood” ayuu yiri Mudane Mahdi.

Shirka golaha wasiirrada ayaa intii uu socday waxaa la ansixiyay 14 heshiis oo dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen intii u dhexeysay 2013-2018, waxayna kala yihiin heshiisyadaas:-

1) Heshiiska ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaalaha

2) Heshiiska iskaashiga gaadiidka Badda

3) Heshiiska Iskaashiga Maalgashiga

4) Heshiiska Iskaashiga Isbitaalka Ordugan

5) Heshiiska Iskaashiga Biyaha

6) Heshiiska Iskaashiga Canshuuraha

7) Heshiiska Iskaashiga Tamarta

8) Heshiiska Iskaashiga Caafimaadka Bulshada

9) Is-afgaradka Waxbarashada Sare

10) Is-Afgaradka wax soosaarka Beeraha

11) Is-afgaradka Kalluumeysiga

12) Is-Af-garadka Caafimaadka Xoolaha

13) Is-Afgaradka Guud ee abuuridda Guddiga iskaashiga Dhaqaalaha

14) Isfahamka Is-Afgaradka dhaqanka

Dhinaca kale, Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar  Islow (Ducaale) oo golaha warbixin ka siiyay xaalada amniga dalka ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya AMISOM ay degaanno badan kala wareegeen Al-shabaab.

Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa shirka golaha Wasiirada ka sheegay iney meel wanaagsan marayaan tirakoobka iyo tayeynta ciidamada Qalabka sida, isagoo xusay Ciidamo dhawaan loo soo xiray tababar ay ka qeyb ka qaadan doonaan dedaalada dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federlka Soomaaliya, Xasan Xuseen Xaaji ayaa isna golaha ka hor sheegay inay meel wanaagsan marayaan qorshaha horumarinta Caddaaladda, waxaana golahu isla gartay in dib u eegis lagu sameeyo, lana tayeeyo hanaanka cadaaladda dalka.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa isna ka hadlay halka ay marayaan dedaallada Kobcinta dhaqaalaha heerkeeda 2-aad (SMP2) wuxuuna sheegay in bixinta mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidanka Dowladda ay si habsami leh ku socoto.

Wasiirka waxaa kale oo uu sheegay in Beesha caalamka ay ogolaatay in la soo sameeyo lana daabaco Lacag cusub oo Shilin Soomaali ah taasoo uu xusay in wasaaradu ay hadda daraasad ku wado sidii lacagtan cusub loo keeni lahaa dalka.

Hannaanka doorashooyinka Soomaaliya 2020-ka iyo hannaanka sameynta xisbiyada badan ayuu sidoo kale golohu isku raacay in la dardar geliyo iyadoo lagu saleynayo  dastuurka iyo qawaaniinta kale ee dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -