(Daawo Sawirro) Faahfaahino ka soo baxaya qaraxii galabta ka dhacay Muqdisho & khasaaraha ka dhashay

Waxaa soo baxaya faahfaahino hordhac ah oo ku saabsan qarax weyn oo galabta ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama gaar ahaan agagaarka hotelka caanka ah ee Weheliye.

Qaraxa ayey wararku sheegayaan in loo  adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo la dhigay goob shaaha laga cabo oo ka soo horjeeda hotelka Weheliye xiliyada galabtiina aad u mashquul badan, goobo ganacsi oo aad u baddana ay ku yaallaan.

Ciidamada amaanka ayaa xiray goobta qaraxa ka dib iyagoo dadka u diidaya iney u dhowaadaan, waxaana gaaray halkaas masuuliyiin uu ka mid yahay guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo saraakiil kale.

Gaadiidka gurmadka deg-deg ah ee ambalaasta ayaa halkaas ka daad gureynaya dhaawacyo aad u fara badan iyagoo kala gaarsiinaya isbitaalada Muqdisho.

Khasaare nafeed oo badan ayaa ka dhashay qaraxan kaasoo soo gaaray shacab isugu jiray kuwa goobta Shaah ka cabayey, qaar lugeynayey iyo qaar kale oo la socday gaadiid u badan mootooyinka bajaajta oo wadada marayey xiliga uu qaraxu dhacayey.

Ugu yaraan 14 ruux ayaa la xaqiijiyey iney ku naf waayeen qaraxan halka dad 20 kor u dhaafaya loo qaaday Isbitaalada sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah, waxaana dhici karta khasaaruhu intaas ka bato.

Sidoo kale qaraxan ayaa geystay burbur aad u xooggan oo gaaray dhismeyaasha halkaas ku yaalla iyo gaadiid fara badan oo wadada marayey xiligaas, waxaana xusid mudan in goobtaas iyo meelo ku dhow ay horey uga dhaceen qaaxyo noocan ah oo khasaare aad u badan dhaliyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -