Bashar Al Asad oo booqasho lama filaan ah ku tagay Bariga Ghouta (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Dowlada Siiriya Bashar Al Asad ayaa shalay booqasho lama filaan ah waxa uu ugu tagay ciidamadiisa ku sugan  Bariga Ghouta, halkaas ay dhawaan kala wareegeen xoogag mucaarad ku ah dowlada .

Booqashada Madaxweynaha Siiriya uu ku tagay  Bariga Ghouta ayaan aheyn mid horey loo sii shaaciyay, waxa uuna Madaxweynaha la kulmay dhaxdana ka galay ciidamada dowlada ee ku sugan qeybo kamid ah Bariga Ghouta.

Madaxweyne Bashar Al Asad ayaa ciidankiisa ku amaanay guusha ay ka gaareen dagaalka ay la galeen mucaaradka, waxa uuna sheegay in ciidankiisa la wareegeen inta badan Bariga Ghouta oo ku dhaw magaalada Dimishiq ee caasimada Siiriya.

Ciidamada Siiriya uu booqday Madaxweyne Bashar ayaa markii ay arkeen lama filaan ku noqotay, waxa ayna ciidamada bilaabeen in ay moobeeladooda iskula sawiraan Madaxweynaha.

Duqeymo xoogan iyo dagaal ka dhacay Bariga Ghouta ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan kun qof oo shacab ah una badnaa caruur iyo haween, waxaana dadkan Duqeymo naxariis dara ah ku laayay Diyaaradaha dagaalka Siiriya iyo kuwa Ruushka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -