Maareeyihii Tiyaatarka Qaranka oo deg deg xilka looga qaaday & Sababta ka dambeysa

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daahir Maxamuud Geelle ayaa Maxamed Abuukar Axmed Ma’da u magacaabay Maareeyaha Cusub ee Golaha Murtida iyo Wacyi galinta Qaranka.

Talaabadan ayaa ka dambeysay ka dib markii xilkii laga qaaday Maareeyihii Hore Mudane Abwaan Cusmaan C/llaahi Guure.

Xilka ka qaadista Abwaan Guure ayaa timid ka dib markii Idaacada Kulmiye ee magaalada Muqdisho oo uu leeyahay abwaanku ay baahisay war sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu aqbalay in xilka laga qaado Raisul wasaare Khayre.

Warkan ka baxay Idaacada Kulmiye ayaa si xooggan uga careysiiyey madaxda dowlada Somalia iyadoo war ka soo baxay Madaxtooyada dalka si weyn loogu beeniyey arrintaas.

Abwaan Guure ayaa xilka qaadista lagu sameeyey  ka hadlay, waxaana uu  sheegay in uu aqbalay xilka qaadista lagu sameeyey, isla markaana xilka uu yahay meerto.

Abwaan Guure ayaa haatan safar dibada ah dalka uga maqan, isagoo  ku sugan dalka Turkiga, Waxaana uu sheegay in marka uu dalka ku laabto uu xilka wareejin doono.

Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka ayaa waxaa isla Maanta loo Magacaabey Wariye Maxamed Abuukar Axmed Ma’da oo ka tirsan Warbaahinta Dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -