Puntland oo ka hadashay sababta uu u daba dheeraaday kiiska dilkii Caai’sho Ilyaas

Xeer ilaaliyaha Maamulka Puntland Maxamuud Xasan Aw-Cismaan ayaa ka hadlay sababta uu u dabo dheeraaday kiiska Caaisha Ilyaas oo aheyd gabar yar oo 12 jir ah taasoo dhowr bilood ka hor kufsi iyo dil foolxun loogu geystay Gaalkacyo.

Max’uud Xasan Aw-Cismaan ayaa sheegay in kiiska uu galay baaritaan dheer oo ay wadeen ha’yadaha dambi baarista iyo mid dhanka dhiigga hidde-sidaha ah.

Waxaa uu intaas ku daray in sababta daahisay kiiska uu yahay in baaritaanka lagu sameynayay dalka dibaddiisa isla markaasna ay ka dhuur sugayeen baaritannada socday.

“Waxaa daahiyay kiiskaasi baaristiisa, maadaama, aanan gacanta ku heynin baarista rasmiga ah ee qalabka lagu sameynayay oo dibedda loo diray jawaabta waxay timid muddo toddaad ka hor” ayu yir Xeer Ilaaliyaha.

Maxamuud Aw Cismaan ayaa sidoo kale sheegay in 10 qof oo lagu soo eedeeyay dilka Caasha ay baarayaan halka saddex kamid raggan ay u hayaan cadeymo buuxa oo ku saabsan iney wax ka dileen gabadhaas yar.

Waxaa uu sheegay in kiiska ay u gudbiyeen maxkamadda Magaalada Garoowe si go’aan loo gaaro arrintani, iyadoo dad badan oo Soomaaliyeed ay aad uga argagaxay kana carooday falka foosha xun ee lagu la kacay gabadha yar ee la iskugu daray dilka iyo kufsiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -