Ra’isul Wasaare Kheyre oo ka hadlay in Xukuumadiisa Mucaaradka awood u adeegsato 

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo Wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa su’aalo laga weediiyay arimo dhowr ah ay kamid aheyd in Xukuumadiisa ay awood u adeegsato siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Kheyre oo su’aashan ka jawaabayay ayaa meesha ka saaray eedeyntaasi, waxa uuna tilmaamay in aysan xukuumadiisa aysan cadaadis saarin mucaaradka sidoo kale aysan awood adeegsan.

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in Xukuumadiisa ku mashquulsan tahay la dagaalanka musuq maasuq , waxa uuna xusay hadii la doonayo in dib u habeyn lagu sameeyo dhaqaalaha ay muhiim tahay in lala dagaalamo musuq maasuqa.

”“Anaga cidna xoog kuma muquunino laakiin dhaqanka dowladnimo, ayaa wuxuu yahay haddii aad rabtid inaad dhaqaalaha dib u habeyn ku sameyso waa in musuq maasuqa lala dagaalamaa, waxaan aaminsahay shacabka Soomaaliyed intooda badan inay indhahooda macalin yihiin, waxaan balan qaadnay dhaqaalaha dib u habeyn inaan ku sameyn doono, waxaan balan qaadnay in Ciidamada dib u habeyn aan ku sameynayno waa adigaa arkay” ayuu yiri Ra’isul Wasaare Kheyre.

Kheyre ayaa sidoo kale xusay in ay kasoo baxeen isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya balamihii ay galeen oo aheyd in ay ka duwanaadaan Madaxdii hore ayna wada shaqeeyaan iyaga oon is khilaafin .

”Waxaan balan qaadnay aniga & Madaxweynaha in aan ka duwanaan doono madaxdii dalkaan ka soo shaqeysay oo labadii sano ee la soo dhaafay si dhab ah ayaan u wada shaqeynay.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Hadalka Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili qaar kamid ah siyaasiyiinra mucaaradka ay marar badan sheegeen in Xukuumada hada jirta ay cadaadis saarto awoodna mararka qaar u isticmaasho xisbiyada mucaaradka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -