Qaraxyo xoogan lagu weeraray Hoteelo iyo Kaniisado kuyaala magaalada Colombo (Sawirro)

Qaraxyo xoogan ayaa saakay ruxay qeybo kamid ah magaalada Colombo ee caasimada dalka Sri Lanka, qaraxyadan ayaana lagu weeraray Hoteelo iyo kaniisado kuyaala magaaladaasi.

Sadex qarax ayaa lagu weeraray kaniisado waa weyn oo kuyaala degmooyinka Kochchikade, Katuwapitiya iyo Batticaloa, waxaa sidoo kale qaraxyo kale lagu weeraray Hoteelo iyana ku yaala bartamaha caasimada.

Inta la xaqiijiyay qaraxyadan waxaa ku dhintay dad ka badan 30-qof halka ay ku dhaawacmeen boqolaal qof oo kale, waxaana laga cabsi qabaa in khasaaraha inta hada la ogyahay ay kasii bataan.

Isbitaalada magaalada Colombo ayaa lasoo sheegayaa in la dhigay dad ka badan 200-qof oo qaba dhaawacyo kala duwan, waxaana dadka dhaawacyada qaba qaarkood yihiin kuwa culus sida ay ku warameen saraakiisha caafimaadka.

Qaraxyadan maanta ruxay caasimada dalka Sri Lanka ayaa kusoo aadaa xili kaniisadaha la weeraray lagu xusayay ciida masiixiga ee loo yaqaan Easter, waxaana xuska maalintan ka socotaa meelo badan oo caalamka kamid ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -