Xaaf oo shuruudo adag ku xirtay ka qeyb galka shirka uu ku baaqay Farmaajo

Maamulka Galmudug ayaa shuruudo adag ku xirtay ka qeybgelka kulanka uu Madaxweyne Farmaajo ku casuumay dhammaan Madaxda Maamulada ka jiro dalka ee dhowaan ka dhacaya Muqdisho.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada warfaafinta Galmudug ayaa lagu sheegay inaysan shirkaas kasoo qeybgeli doonin haddi aysan dowladda Soomaaliya fulinin ballamihii horey loo galay oo ay ugu dambeysay shirkii Garoowe dhowaan ka dhacay.

Shuruudaha Galmudug waxaa ka mid ah in loo fasaxo Miisaaniyadda xayiran ee ay ku leedahay Dowladda Dhexe iyo Mashaariicda degaanadaas loogu talo galay.

Waxaa kale oo ka mid ah shuruudaha Galmudug in dowladda Soomaaliya aqoonsato heshiiska Ahlu Sunna iyo Galmudug ee kasoo bilowday Jabuuti kaasoo markii dambe lagu saxiixay Muqdisho uuna goobjoog ka ahaa Madaxweyne Farmaajo iyo madax kale oo ka socotay Beesha Caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -