Dowlada Somalia oo si kulul uga hadashay qaraxii lala beegsaday shaqaalaha Hormuud

Dowlada Somalia ayaa si kulul u cambaareysay qarax lagu dilay lix ka mid ah Shaqaalaha Shirkadda Hormuud oo qarax galabta lagula eegtay deegaanka Garasbaalley ee duleedka Muqdisho.

“Falkan oo ahaa mid ka fog Diinta iyo Qiyamka Bini-daamka waxa ay Khawaarijtu si ku tala gal ah ugu beegsatay gaari ay leedahay shirkaddu kaasoo ay saarnaayeen lix muwaadin oo ka tirsanaa shaqaalaha Shirkadda kuwaasoo dhamaantood ku naf-waayay ficilkaas Khawaarijta” ayaa lagu yiri war ka soo baxay dowlada oo sidatan hoose:-

- Advertisement -