Dayuuradii ugu horeysay oo ka degtay garoonka cusub ee degmada Baraawe (Sawirro)

Garoonka Dayuuradaha cusub ee degmada Baraawe oo mudooyinkan dhisme uu ka socday ayaa waxaa maanta ku degtay Dayuuradii ugu horeysay oo nooceedu yahay Fokker.

Garoonka dayuuradaha Baraawe ayaa ah Jaay waxaana la qorsheynayaa sanadaha soo socdo in si rasmi loogu shaqeeyo iyadoo mustaqbalka lagu wado in la balaariyo.

Baraawe waxaa horay loogu tagi jiray Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaano Helicopter-ka oo ku degi jirtay Saldhig ay leeyihiin Ciidamada AMISOM, kuwaasoo madaxda iyo saraakiisha oo kaliya ay adeegsadaan.

Gudoomiyaha gobolka Sh/hoose Ibraahim Aadan Najax ayaa talaabadan ku tilmamay guul u soo hoyatay shacabka caasimada maamulka KG ee Baraawe oo uu sheegay iney u rumowday rayadii ahayd inuu shaqa bilaabo Airportka degmadaas oo aan weli xariga laga jarin dhismana uu ka socdo.

Waxaan u mahadcelinayaa dhamaan shacabka maamulka ciidanka amniga iyo kuwa Amisom ee caasimada Baraawe, sidoo kale waxaan u mahad celinayaa madaxdii hore iyo kuwa hadda xilka haya ee KG oo suurta geliyay inay diyaarad ku Degto airportka” ayuu intaas ku daray Gudoomiyaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -