Dowlada oo shaacisay in Sargaal katirsan Al Shabaab Howlgal lagu soo qabtay

Wakaalada Wararka u faafisa dowlada Soomaaliya ayaa shaacisay in howlgal xalay ciidamada amaanka gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ka fuliyeen deegaanka Owdheegle lagu soo qabtay sargaal katirsan Al Shabaab.

Howlgalka ayaa la sheegay in ciidamada dowlada kusoo qabteen sargaal katirsan Al Shabaab oo la sheegay in bartilmaameedku ahaa, mana la shaacin ilaa hada magaca sargaalka howlgalka lagu soo qabtay.

Saraakiisha dowlada ayaana sheegay in howlgalka intii uu socday uusan khasaaro kasoo gaarin dad shacab ah, waxa ayna saraakiisha sheegeen in howlgalka kusoo dhamaaday sidii loogu tala galay.

Dowlada Soomaaliya ayaa marar badan sheegtay in gacanta kuoo dhigtay saraakiil iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab , lamana soo bandhigo inta badan saraakiisha iyo xubnaha kale ee howlgalada lagu soo qabto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -