Dil maanta ka dhacay Muqdisho iyo ninkii ka dambeeyay oo gacanta lagu soo dhigay

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa maanta xaafada Gaheyr ee degmada Dayniile waxa ay ku dileen askari katirsanaa ciidanka Milatariga Soomaaliya xili uu geed hoos jiifay isaga oon wax hub ah wadan.

Labo nin oo biskoolado ku hubeesnaa ayaa la sheegay in ay fuliyeen dilka loo geestay askari katirsanaa ciidanka dowlada, waxaana raga hubeesan goobta uga tageen si deg deg ah markii ay dilka fuliyeen.

Ciidamo katirsan dowlada oo si deg deg ah u gaaray goobta dilku ka dhacay ayaa la sheegay in baaritaano kadib ku guuleesteen in ay gacanta kusoo dhigaan mid kamid ah ragii dilka fuliyay.

Sargaal katirsan maamulka Degmada Dayniile ayaa Warbaahinta u sheegay in gacanta lagu soo dhigay mid kamid ah ragii dilka geestay iyo waliba biskooladii uu dilka ku geesteen, waxa uuna sargaalka sheegay in laamaha amaanka gacanta ku hayaan ninka dilka geestay.

Dilkan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa kusoo aadaya xili la adkeeyay amaanka caasimada, waxaana inta badan laamaha amaanka ka baxsan jiray raga hubeesan ee dilalka geesta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -