Meydadka Soomaaali fara badan oo laga helay Xeebaha Jabuuti & dad weli la la’yahay

Maydadka ilaa 53 ka mid ahaa dadkii ku dhintay dooni ay la socdeen dad tahriibayaal ah ayaa laga helay xeebta Obokh ee dalka Jabuuti.

Doonta degtay ayaa ka mid ahayd laba doonyood oo la sheegay inay wadeen dad gaaraya 130 qof oo u socday dalka Yemen.

Hay’adda socdaalka muhaajiriinta IOM ayaa iyaduna sheegtay in shaqaalaheeda ku sugan Obokh ay soo tebiyeen in la soo badbaadiyey 16 qof oo ka mid ahaa dadkii la socday doonida qalibantay.

Ciidamada badda Jabuuti ayaa weli wada baadi goobka dad aan weli nolol iyo geeri lagu heynin oo ka mid ahaa rakaabkii la socday doonidan, waxaana aad u yar rajada laga qabo badda laga helo dad kale oo shilkaas ka badbaaday.

Sannadkii hore ayey IOM sheegtay inay xeebaha Jabuuti ku dhinteen dad ka badan 150 oo tahriibayaal ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -