Axmed Madoobe oo ka hadlay in Dib loo dhigayo Doorashada Jubbaland

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka hadlay arin si weyn loo hadal hayay oo ku aadanaa dagaalka uu iclaamiyay in saameyn ku yeelaneyso doorashada  Jubbaland ee Kismaayo ka dhaceysa.

Axmed Madoobe ayaa beeniyay in doorashada maamulka Jubbaland dib loo dhigayo, waxa uuna cadeeyay in uusan jirin wax isbadal ah ayna doorashada ku dhaceyso xiligii horey loo qorsheeyay.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Jubbaland in dagaalka uu iclaamiyay aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin doorashada ka dhaceysa Kismaayo, waxa uuna xusay in gacana ku dagaalamayaan gacana codka ku dhiibanayaan.

”Doorashada waqtigeeda ayey ku dhaceysa, gacana Al Shabaab ayaana uga xureeneynaa deegaanada ay naga heestaan gacanta kalana codka ayaan ku dhiibaneynaa” Ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Doorashada maamulka Jubbaland ayaa lagu wadaa in bisha Agoust ee sanadkan ka dhacdo magaalada Kismaayo, waxaana mudooyinkii lasoo dhaafay shaki la galinayay in doorashada ku qabsoonto waqtigii loogu tala galay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -