Xildhibaankii Sedexaad oo isaga baxay Xisbiga UPD uu hogaamiyo Xasan Sheekh .

Waxaa sii kordhaya Xildhibaanada isaga baxaya kamid ahaanshaha Xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka ee UPD uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddoomiyihii hore ee Guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyada  ee Golaha Shacbka Xildhibaan Cali Cabdi Cismaan ayaa shaaca ka qaaday in uu isaga baxay xubanimadii uu ka ahaa Xisbiga UPD.

Qoraal kooban uu soo saaray Xildhibaanka ayuu ku sheegay in uu hakiyay xubanimadii xisbiga Nabad iyo Horumarka ee UPD, waxa uuna u rajeeyay xisbiga uu ka baxay guul iyo horumar.

”Waxaan ka mid ahaa xubin ka tirsan Xisbiga MIDOWGA NABADDA IYO HORUMARKA (UPD), Waxaan rabaa halkaan in aan idin kala wadaago laga bilaabo 26ta Janaayo 2019  in aan iska hakiyey xubin nimadii Xisbiga UPD. Asxaabteyda UPD waxaan u rajeynaa guul, Horumar iyo UPD Xisbi Qaran noqda” Ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Cali.

Xildhibaankan isaga baxay Xisbiga UPD ayaa noqonaya Xildhibaankii sadexaad oo ka baxa xisbigaasi, waxaana horey uga baxay Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris (Ganey) iyo Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -