Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Jubbaland oo la baray sida loo rido hubka Culus (Daawo Sawirada)

Ciidamo katirsan maamulka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo loogu soo xiray tababar 15-maalin socday oo lagu barayay  si loo rido hubka culus sida qoriga dhashiikaha iyo Hoobiyaasha  .

Tababarkan ciidamada Jubbalabd waxaa siinayay Saraakiil Itoobiyaan ah oo katirsan ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Kismaayo, waxaana ciidamada la barayay habka loo rido hubka culus xiliyada dagaalka.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya qaybta 43-aad Cismaan Axmed Aadan, ayaa uga mahad celiyay Saraakiisha Itoobiyaanka ah ee tababarka siinayay Ciidamada maamulka Jubbaland.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa tababar siiya ciidamada Jubbaland , waxaana maamulka Jubbaland loo tababaray ciidamo badan oo loo diyaarinayo in ay dagaal la galaan Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Trump oo ugu dambeyn qirtay fadeexad uu muddo dheer beeninayey

Caydiid Ali

Jaamacadda UPEACE & Machadka SDRI oo kala saxiixday heshiis iskaashi Waxbarasho (Sawirro)

Caydiid Ali

Labo qarax oo goor dhow ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---