Dowladii 6aad ee Afrikaan ah oo shaacisay iney ciidamo u soo direyso Somalia

Dowladda Ghana ayaa lagu wadaa inay dhowaan dalka Soomaaliya u soo dirto in ka badan 160 askari oo Booliis ah, si ay ugu qayb qaataan howlaha nabad ilaalinta Midowga Afrika ay ka wadaan dalkeena ee AMISOM.

Xukuumadda Accra oo ka jawaabeysa dalab uga yimid Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasoo uu tirsigiisu yahay 2431 (2018), ayaa qorsheyneysa inay Soomaaliya u soo dirto Ciidan Booliis ah, si kor loogu qaado tirada iyo tayada ciidanka Booliska ee howlgalka Midowga Afrika.

Qaraarkan uu tirsigiisu yahay 2431, ayaa oggolaanaya in wadamada xubnaha ka ah Midowga Afrika ay sii wataan hawlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM illaa 31-ka Maajo 2019 iyadoo ay ka qayb qaadanayaan 1,040 askari oo Boolis ah, walow ay haatanba jiraan cutubyo Booliska AMISOM ah oo ka shaqeeya dalka.

Todobaadkan ayaa waxaa Magaalada Baydhabo gaaray Saraakiil ka socota Booliiska Dalka Gaana, si ay usoo qiimeeyaan halka ku habboon fariisinkooda, iyagoo Indha-indhayn kusoo sameeyay xaaladda amniga iyo jewiga guud, maaddaama uu qorshahu yahay in ay halkaasi ka dhigtaan Saldhig.

Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Simon Mulongo, ayaa Saraakiisha gaadhay Baydhaba u sheegay Shalay oo Khamiis ahayd, in Gaana ay Gacan ka geysan doonto buuxinta baahida loo qabo howlaha Boliiska AMISOM.

Mr. Mulongo,  ayaa soo dhaweeyay tallaabada ay Ghana ugu soo direyso Unug ka mid ah Booliskeeda, isaga oo sheegay in ay kor u qaadi doonto tayada AMISOM, kuwaas oo xoojinaya sharciga iyo kala dambeynta meelaha laga xoreeya cadowga Al-Shabaab.

Ciidankan ayaa tababarka dhammaysanaya Bisha March ee Sanadkan, iyadoo qalabayn ka dibna loo soo duulin doono Muqdisho, waxaana loogu sii qaadi doonaa Baydhabo, sida ay sheegeen Saraakiisha hoggaamineysa Boliiska Gaana ee ka tirsan AMISOM.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -