Weerar culus oo ciidamo Itoobiyaan ah saaka ku qabsaday duleedka Buur-hakaba

Xoogaga Al-Shabaab ayaa saaka weerar culus oo dhabo gal ah ku qaaday kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo marayey duleedka degmada Buur hakaba ee Gobalka Bay sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya.

Weerarka ayaa ku bilowday laba qarax oo miinooyin ah, laguna qarxiyey kolonyada, iyadoo markaas kadib uu dhacay dagaal culus oo labada dhinac dhexmaray kaasoo la isku adeegsaday hub kala duwan.

Kolonyada ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in xiliga weerarkan uu qabsanayey ay ka tageen degmada Buur-hakaba, kuna sii jeedeen magaalada Baydhabo.

Dadka degaanka ayaa sheegay in weerarka kadib ay ciidamada Itoobiya ay rasaas ku fureen shacab ku dhaqan duleedka degmada Buur hakaba, Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaana ka dhashay inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin.

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay burburisay kolonyadii ciidamada Itoobiya, khasaare baaxad lehna gaarsiiyeen, waxaana war qoraal ah oo ay soo dhigeen baraha internetka qaarkood ay ku sheegeen iney weerarkaas ku dileen 38 askari oo itoobiyaan ah, qaar kale oo badana dhaawaceen.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale baahisay in weerarkaas ay ku qabsadeen afar gaari oo ka mid ahaa kuwii ay wateen ciidamada Itoobiya, iyagoo intaas ku daray iney la degeen wixii saarnaa ka dibna ay dab qabadsiiyeen.

Dowladda Somalia iyo ciidamada AMISOM Ayaan illaa hadda wax war ah ka soo saarin dhacdadan, mana jiraan illaa hadda ka madax banana Al-shabaab oo xaqiijinaya sida ay wax u dhaceen iyo khasaaraha ka dhashay weerarkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

 

 

- Advertisement -