Faahfaahin: Dab Khasaare geystay oo xalay qabsaday Suuqa degmada Afgooye (Sawirro)

Dab xoog leh ayaa xalay saqdii dhexe qabsaday qeybo ka mid ah suuqa degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose kaasoo geystay khasaare Maaliyadeed.

Wararka ayaa sheegaya in dabkan uu markii hore ka bilowday Kawaanka hilibka lagu iibiyo ka dibna uu ku faafay qeybo ka mid ah suuqa, iyadoo degmadaas aysan laheyn wax gaadiid dab demis ah.

Sida ay sheegayaan ganacsatada degmada Afgooye dabka ayaa caagta mariyey labo Makiinada Saliid, saddex Dukaan laba ka mid ah Xarumaha lagu iibiyo qalabka Electronikada iyo goobo kale.

Dedaal ay sameeyeen qaar ka mid ah shacabka degmada afgooye oo adeegsanaya gaari booyad ah ayaa markii dambe ku guuleystay iney damiyaan dabkaasi oo illaa hadda ana la ogeyn sababta dhalisay.

Dababka qabsanaya suuqyada iyo goobaha kale ee ganacsiga ayaa maalmahan ku soo batay magaalada Muqdisho iyo gobolada ku dhow, shalay ayeyna aheyd markii uu dab xoogan qabsaday goobo ganacsiga oo ku yaala agagaarka isgoyska Zoope, waxaana ka sii horeeyey dab kale oo isna khamiistii hore xili habeenimo ah qabsaday qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha oo ah midka ugu weyn ganacsiga Somalia, lamana oga illaa hadda xiriirka ka dhexeeya dababkan iyo waxa isku soo beegay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -