Al-Shabaab oo qaraxyo ku burburisey anteenooyin shirkaddo Isgaarsiineed

Al-Shabaab ayaa burburiyey anteenooyin  Isgaarsiineed oo ku yiilay degaano ku dhow degmada Gaarisa ee gobolka woqooyi Bari Kenya sida  ay sheegeen warbaahinta dalkaas.

wararka ayaa intaasku daraya in anteenooyinka ay xoogaga Al-shabaab ku xireen waxyaabaha qarxa, kadibna sidaasi ay ku burburiyeen.

Gudoomiyaha Magaalada Gaarisa ayaa sheegay in anteenoyinka  la burburiyay ay la aheyd Shirkadda isgaarsiinta Safaricom oo ah tan ugu weyn dalka Kenya, wuxuuna intaas ku daray arintan ay saameyn ku yeelatay shacabka degaanka.

Falkan ayaa ka dhacay degaanka Weel-mareer oo ay joogeen Ciidanka dowladda Kenya, waxaana Al-Shabaab ay sheegtay inay la wareegeen gacan ku heynta degaankaasi ayna burburisay anteenooyinka ama towerada shirkadaha Isgaarsiinta.

Al-Shabaab ayaa horey marar badan u burburisay antenooyinka  ay leedahay Shirkadda isgaarsiinta Safaricom ee ku yaalla gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -