Guddoomiye Yariisow oo markii ugu horeysay ka hadlay Maqaamka Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa markii ugu horreysay ka hadlay Maqaamka caasimadda, isagoo sheegay in Shacabka ku nool magaalo madaxda dalka  ay heli doonaan xuquuqdooda Siyaasadeed.

“Sanadkan waa sanadkii u diyaar garowga doorashooyinka, waa sanadkii dhameystirka dib u eegista, sanadkii maqaamka Muqdisho iyo sidii Muqdisho bulshadeeda uga tashan lahaayeen aayaheeda, ula mid noqon lahaayeen gobolada dalka, waxaan u istaagi doonaa inaan ka dhabeyno in shacabka Muqdisho ay ku helaan matalaad ha noqoto aqalka Sare iyo golaha Shacabka”ayuu yiri Eng. Yariisow.

Gudoomiyihii ka horreeyay Yariisow Taabid Cabdi Maxamed ayaa xilkiisa ku waayay raadinta Maqaamka caasimadda ka dib markii uu abaabulay shir looga hadli rabay arintaas oo uu diiday inuu baajiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -