Meydka Ajakis iyo dad kale oo ku aasnaa Qabuuraha Iskuul Buluusiya oo lasoo saaray

Waxaa maanta qabuuraha Iskuul Buluusiya ee kuyaalla magaalada Muqdisho laga soo saaray meydka majaajiliistihii caanka ahaa Cabdi Muriidi Ajakis iyo dad kale oo horey loogu aasay qabuurahaasi.

Maanta ayaa la arkayay dad badan oo eheladooda kasoo saaraya qabuuraha Iskuul Buluusiya ay ku sugnaayeen in muddo ah, waxaana meydadka lasoo saaray loo qaadayay qabuurayaal  kale oo dib loogu aasayay.

Ehelada Ajakis oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in lagu wargaliyay in qabuuraha dhulka uu kuyaallo ay dowladda iibsatay, waxaana dadka ehelkooda halkaasi ku aasnaayeen lagu wargaliyay in meydadka kala baxaan.

“Annaga oo soo booqanay Aabe ayaa maalin dhexdaas imaanay qabuuraha, waxaa naloo sheegay in dhammaan maydadka ku jira qabuurahan in la baxsanaayo, sidaas aawgeed waxaan go’aansanay inaan maanta Aabe ka bixino oo gayno meel kale.Waxaan gayn doonaa meel kale oo amaan ah oo aan ku booqan karno, waligiisna aan laga bixin doonin”.ayuu yiri wiil uu dhalay marxuum Ajakis.

Warkan ku aadan in la iibsaday dhulka qabuuraha ee kuyaalla Iskuul Buluusiya ayaa maanta hadal heyn badan ka abuuray baraha bulshada, waxa ayna dadka badi ku dhaliilayeen dowladda Madaxweyne Xasan in ay tahay mid boob shaqo ka dhigatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -