Gaadiidka ka howlgala jidadka Muqdisho oo amaro culus lagu soo rogay

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in gaari aan buuxinin xeerka ku dhaqanka sharciga Gaadiidka dhulka uusan ka howlgali karin gudaha magaalada Muqdisho.

Mashruucaan tijaabada badqabka  Gaadiidka dhulka ayaa loogu talagalay in looga hortago dhibaatooyinka shilalka Gaadiidka, si loo yareeyo qasaaraha ku yimaado hantida iyo nafta Dadka Soomaaliyeed, taasi oo ay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ay ugu gogol xaareyso ku dhaqanka xeerka Sharciga gadiidka dhulka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka Cali Gacal Gaabow ayaa sheegay in amarkan uu saameynayo noocyada kala duwan ee gaadiidka.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad (Omaar)  ayaa sheegay in laga bilaabo maanta Gaadiidka ay mari doonaan tijaabo, si loo dhaqan geliyana  loo bahanyahay inay u hoggaansamaan sharciga.

“Gaari aan buuxinin xeerka ku dhaqanka sharciga gaadiidka dhulka kama howlgeli doono Muqdisho” ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -