Akhriso: Qaar ka mid ah qisooyinka guusha ee dadka uu u gefey Trump (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa adduunka ka dhaliyay caro xooggan kadib hadalo gef ah oo uu ka sheegay dalalka ay inta badan ka yimaadaan muhaajiriinta Maraykanka gala, isaga oo ku tilmaamay dalal ‘gudaafad’ ah.

Dalalka uu wax ka sheegay waxaa ka mid ah Haiti, El Salvadore iyo dalalka qaaradda Afrika, isaga oo intaas ku daray in ay habboontahay in Maraykanka uu qaabilo muhaajiriin ka yimid dalka Norway, halkii la qaabili lahaa dadka madoow.

Balse waxaa jira tusaalooyin badan oo ku saabsan dadka ka yimid dalalka uu Trump wax ka sheegay oo Maraykanka ka gaaray guulo waaweyn, qaarkood ayaanan soo xulnay.

Waxaa jira dad badan oo kasoo haajiray oo guulo waaweyn oo dhanka nolosha ah ka gaaray gudaha Maraykanka, qaarkoodna keenay isbadalo muuqda.

Waxaa dadkaas ka mid ah Ilhaan Cumar oo sanadkii 2016-kii loo doortay Aqalka Wakiilada Minnesota, iyada oo noqotay qofkii koowaad oo Soomaali ah, muslimna oo loo doorto xil ceynkaas ah taariikhda Maraykanka.

Taariikhdeeda ayaa waxaa ku xusan sidii ay waalidkeed uga soo qaxeen Soomaaliya sanadkii 1990-kii “maadaamaa aabaheey uu ahaa waalidka kaligiis ah, wuxuu xushay Minnesota, sababtuna ahayd dariska soo dhaweynta leh ee halkaas degenaa, waxbarasho wanaagsan ayaanan halkan ka helnay” ayay tiri Ilhaan.

Waxaa kale oo ka mid ah Bosoma Saint John oo waalidkeed ay ka yimaadeen dalka Ghanna, waxa ay hadda madaxa suuqgeynta ka tahay shirkadda weyn ee tagaasiista Uber, iyada oo sidoo kale horey agaasime uga soo noqotay qeybta muusigga ee shirkadda Apple.

Khudbad ay jeedisay ayay ku sheegtay in ay dhiirogalin ka heshay taariikhda aabaheed oo ahaan jirey muusigiiste ka tirsan ciidammada xoogga Ghana, markii dambane ka qalin jabiyay jaamacad ku taala Maraykanka.

Elon Musk

Ninka lagu magacaabo Elon Musk waxa uu u dhashay dalka Koonfur Afrika, waxana uu agaasime ka yahay, isagana soo saaray baabuurta korontada ku shaqaysa ee lagu magacaabo Tesla.

Waxa uu ku dhashay magaalada Pretoria, isaga oo u guurey gobolka California isaga oo 20 jir ah, wuxuuna jinsiyadda Maraykanka qaatay sanadkii 2002-dii.

Waxaa la mid ah ninka majaajiliistaha ah ee isna Koonfur Afrika u dhashay ee Trevor Noah, kaas oo daadihiya barnaamijka caanka ah ee The Daily Show ee lagu maadeysto.

Waxa uu BBC-da u sheegay in Donald Trump uu dadka caddaanka ah jecelyahay in ka badan inta uu jecelyahay dadka madoow. “Xitaa ma doonayo in dadka madoow ay u tiriyaan lacagtiisa ama ay shaqo u kala wadaa” ayuu yiri.

Waxa uu Noah sheegay in uu aad uga damqaday hadalkii ugu dambeeyay ee Trump.

Mia Love

Gabadha lagu magacaabo Mia Love waxa ay asal ahaan kasoo jeedaa dalka Haiti oo ka mid ah dalalka uu ‘gudaafadda’ ku tilmaamay Trump, waxaa laga soo doortaa gobolka Utah, iyada oo ku jirta Aqalka Congress-ka Maraykanka.

“Dhaqankiisa waa mid aanan la aqbali karin, kuna habboonayn hoggaamiye dal” ayay tiri.

Taariikhdeeda waxa ay ku qortay in ay aad u xusuusato markii waalidkeed ay kasoo guureen Haiti sanadkii 1970-kii, si adagna uga shaqeeyeen Maraykanka si ay nolol u helaan.

Iyada oo soo xiganaysa hadalkii aabaheed uu ku dhahay ayay tiri “Mia, adiga iyo hooyadaa waligiin ha aqbalina wax gacanta la’idinka siiyay, dadka ku noqon meysaan culees dulsaaran, waa in aad idinka bulshada wax dib ugu celisaan”.

Dadka Haiti kasoo jeeda waa boqolkiiba 2% dadka Maraykanka ah ee dalalka kale ku dhashay.

Kadib dhulgariiskii ku dhuftay Haito sanadkii 2010-kii, dowladda Maraykanka waxa ay dadka Haiti u fidisay magangalyo kumeelgaar ah, balse Trump ayaa sheegay in uu soo afjari doono nidaamkaas.

.
Ninka lagu magacaabo Carlos Castro, waxa uu agaasime ka yahay shirkadda dukaamada waaweyn ee Todos Supermarkets, waxaana lagu tilmaamaa in uu ka midyahay milyan dheerada iyaga heerka is gaarsiiyay.

Waxa uu kasoo qaxay dagaalkii sokeeye ee El Salvador sanadkii 1979-kii, si sharci daro ah ayuuna Maraykanka ku galay, balse waa la tarxiilay.

Markale ayuu soo laabtay, isaga oo qabtay shaqooyin yaryar, waxa uu sharciga degenaanshaha heley sanadkii 1986-dii.

Waxa uu furtay dukaankiisii cuntada ee ugu horeeyay, kaas oo markii dambe aad u balaartay, yeeshayna laamo badan.

Tirakoobyada hadda la hayo waxa ay muujinayaan in dadka kasoo jeeda dalka El Salvador ee Maraykanka ku nool ay dhanyihiin 1.3 milyan oo qof.

Isha BBC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -