Ciidamo ku hubeysan qalab culus & gaadiid gaashaaman oo ku wajahan Dhuusamareeb

Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga afrika AMISOM ayaa ku fool leh magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud sida ay sheegayaan wararka halkaas naga gaaraya.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamadan oo ka socda dalka Jabuuti ay ka baxeen magaalada Beled-weyne ee gobolka Hiiraan, iyadoo qeybtii ugu horeysay ay shalay gaareen Dhuusamareeb.

Ciidankan ka tirsan AMISOM ayaa la sheegayaa iney ka qeyb qaadanayaan sugida amaanka madaxweynaha Somalia iyo wafdi uu horkacayo oo maalmaha soo socda booqan doono Dhuusamareeb.

Diyaar garow loogu soo jiro soo dhoweynta madaxweynaha iyo wafdiga la socda ayaa laga dareemayaa magaalada Dhuusamareen, waxaana la xoojinayaa amaanka.

Madaxweyne Farmaajo oo booqasho ku soo maray degaano ka tirsan dowlad goboleedka Puntland ayaa imika ku sugan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo uu shalay soo gaaray isagoo kulamo la leh waxgaradka iyo qeybaha bulshada magaaladaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -