Wariye Caan ah oo Shaqadiisa ku waayay Warbixino been abuur ah uu qoray

Wariye caan ah oo lagu magacaabo Claas Relotius ayaa shaqadiisa ku waayay warbixino badan oo been abuur ah uu ku daabacay Wargeyska caan ah ee Der Spiegel ee kasoo baxa dalka Jarmalka.

Claas Relotius ayaa ahaa wariye caan ah oo daabacay warbixino badan oo aad loo aqrsistay, waxaana Wariyahan ku guuleestay abaalmarino uu ku helay warbixinada uu qoray qaarkood .

Wariyahan ayaa hada laga eryay WargeyskaĀ Ā Der Spiegel uu ka shaqeenayay kadib markii baaritaano la sameeyay lagu ogaaday in been abuur yihiin sheekooyinka iyo Warbixino uu ku daabacay Wargeyska.

Masuuliiin katirsan WargeyskaĀ Der Spiegel ayaa sheegay in Warbixinada qaar uu qoray Claas ay yihiin kuwa muran uu ku jiro uuna qaarkood ku muteestay abaal marino, waxaana maamulka Wargeyska ka raali galiyay dhacdadan aqristayaashiisa.

Warbixinada been abuurka ayaa la sheegay in uu ka sameeyayĀ wasaaradda socdaalka ee dalka Mareykanka , waxaa sidoo kale warbixinada been abuurka ah uu qoray wariyahan kamid ah kuwa uu ka qorayĀ milateriga Mareykanka iyo xabsiga Guantanamo Bay.

WariyeĀ Claas Relotius oo 33-sano jir ah ayaa Wargeyska Der Spiegel ku biiray sanadkii 2011-kii, waxa uuna Wariyahan ka qoomameeyay qaladkii uu sameeyay, isagoona raali galin ka bixiyay been abuurka uu sameeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -