Hadal jeedinta Musharaxiinta K/Galbeed oo maanta Baydhabo ka bilaabaneysa

Musharaxiinta Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta lagu waddaa inay Khudbado u jeediyaan xildhibaanada baarlamaanka maamulkaas oo maanta kulan ku yeelanaya magaalada Baydhabo.

Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed ayaa ku adkeysanaya in jadwalkii doorashada aysan waxba iska bedelin, maantana la bilaabayo  dhageysiga Khudbadaha Musharaxiinta, iyadoo sadex cisho ka dib oo ku beegan 19ka bishana la qabanayo cod bixinta.

Murashaxiinta khudbadaha ku qoran maanta ayaa kala ah: Aadan Maxamed Nuur(Saransoor), Xuseen Cusmaan Xuseen iyo Ibraahim Macalin Nuunow iyo kuwo kale.

Talaabadan ayaa ku soo aadeysa xili Muqdisho uu ku xiran yahay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo ka mid ahaa Musharaxiinta diiwaangashan kaasoo banaanbaxyo ka dhan ah xarigiisa ay maalmihii la soo dhaafay hareeyeen Baydhabo.

Gudoomiyaha baarlamanka Koonfur galbeed iyo xubnaha maamulka ugu jira dowlada dhexe ayaa ka codsaday guddiga doorashada iney dib u dhigaan doorashada inta laga dejinayo xaalada Baydhabo balse guddiga ayaa iska dhega tiray hadalkaas, iyadoo warar aan la xaqiijina ay sheegayaan inuu cadaadis kaga imanayo dowlada oo dooneysa inaan mar kale dib loo dhigin.

Ciidamada amaanka dowlada Somalia ayaa gacanta ku haya amniga Baydhabo, kuwaasoo shalay xabsiga dhigay boqolaal dhalinyaro ah oo dibed baxrabshado wata dhigayey maalmihii la soo dhaafay inkastoo xalay badankood la sii daayey, waxaana degan xaalada baydhabo inkastoo ay jiraan cabsi laga qabo rabshado kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -