Dil caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho & Wararkii ugu dambeeyey

Askari ka tirsan Ciidamada amaanka dowlada Somalia ayaa caawa lagu dilay agagaarka isgoyska Black Sea ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in dilka askariga ay fuliyeen rag bastoolado ku hubeysan oo oo weerar gaadmo ah ku soo qaaday.

Askariga oo xiligaas ku jiray gudashada waajibaadkiisa shaqo ayaa isla goobta ku geeriyooday ka dib markii dhaawacyo halis ah loogu geystay rasaastii lagu furay.

Ragga weerarka geystay ayaa ka baxsaday goobta, iyadoo sida caadada ah ay halkaas gaareen ciidamada amaanka oo howlgalo ka wada degaanada ku dhow isgoyska Black. Sea.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -