Duqii hore ee Muqdisho oo kashifay dilalka lagu hayo Shaqaalaha Hormuud & cida ka dambeysa

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir iyo Duqii Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay dilal is daba joog ah oo ka socda magaalada Muqdisho, kuwaasoo si gaar ah loogu beegsaday shaqaalaha shirkadda Isgaarsiinta Hormuud.

Thaabit oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook ayaa si weyn amaanay shirkaddaasi ganacsi iyo adeegga ay u heysto dadka wuxuuna xusay in dilka lagu hayo shaqaalaha hormuud ay ka dambeyso kooxda Daacish ka dib markii shirkadu ay diiday iney bixiso dhaqaale la weydiistay sida uu hadalka u dhigay.

Hoos ka akhriso qoraalka Thaabit oo dhameystiran:-

Hormuud Telecom, waa shirkad si guud u matasha bulshada Soomaaliyeed marka la eego tirada shaqaalaheeda, saamileyda iyo dadka ku xiran adeegyada ay bixiso, waxaana ku tilmaami karaa tiir dhexaadka bulshada Soomaaliyeed.

Maalmihii dambe waxaa si bareer ah loo toogtay ku dhowaad 10 ruux oo shaqaalaha shirkadda ka mid ahaa, kuwaas oo ay dileen kooxda Daacish markii ay shirkadu diiday lacago baad ah oo laga dalbaday, si ummada Soomaaliyeed loogu gumaado.

Fal-celinta arrintaas iney dil noqoto inaguna aan fiirsano waa nasiib daro. Gumaadka ku socda shaqaalaha shirkadda Hormuud Telecom wuxuu galaafanaya nolasha dadkeennii qiimaha lahaa, wuxuu niyad jabinaya ganacsiga xorta ah, wuxuuna dhabbe u furayaa lacagaha sida dulmiga ah looga qaado ganacsata Soomaaliyeed.

Waxaan tacsi u diraya shirkada Hormuud iyo ehelada dadkii sida gardarada ah ay cadowgu u dileen, anigoo caafimaad u rajeynaya kuwa dhaawaca ah ee isbitaalada u jiifa dulmigaas.

Waan ka xumahay in cadowgu ay si fudud maalin walba wax ku dilaan, kuna baxsadaan.

Waxaan soo jeedin lahaa in shacab iyo Dowlad intaba laga dhiidhiyo arrintaan, oo la garab istaago Hormuud Telecom, si cadowgu u arkaan isku duubni iyo cudud mid ah, waxaan kaloo

hay’addaha amniga u soo jeedin lahaa iney si gaar ah ula socdaan fal-kaan lagu beegsanaayo Hormuud Telecom.

Hadii aan arrintaan indhaha ka fiirsano, waxay ina dhaxalsiin kartaa cawaaqib-xumo bulsha ahaan iyo dhaqaale ahaan ina wada saameysa.

Waa inaan si wadajir ah u wajahnaa arrintaan.

Mahad-badan

W/Q: Thabit Cabdi Axmed

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -