Taliye Indha-qarshe oo kormeer qiimeyn ku tegay xeryihii hore ee ciidanka XDS (Daawo Sawirro)

Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) iyo Abaanduullaha Ciidanka S/guuto Odowaa Yuusuf Raagge oo ay wehliyaan Saraakiil kale ayaa maanta kormeeray xarumaha Ciidanka Xoogga ay ku leeyihiin degaanka Bangala ee degmada Dayniile.

Xarumaha Masuuliyiintaasi booqdeen ayaa ku burburay dagaaladii Sokeeye ee ka dhacay gudaha dalka Soomaaliya, waxaana Taliska Ciidanka Xoogga uu qorsheynayaan in Xarumahaasi dib u dhis lagu sameeyo.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa sheegay in Taliska Ciidanka Xoogga uu hadda ku howlan yahay dhismaha Ciidanka iyo Xarumahooda burburay, si shaqada loo dardar-geliyo.

Sarreeya Gaas Indha-qarshe ayaa sidoo kale sheegay in dhammaan xarumaha Ciidanka Difaaca ee ku burburay dagaladii Sokeeye dib u dayactir ballaaran dhawaan lagu sameyn doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com  

- Advertisement -