(Sawirro) Masuul uu dhowaan Magacaabay RW Xamse oo xilka la wareegay

Munaasabad kooban oo lagu qabtay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ay goobjoog ka aheeyeen Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Xirsi Gaani, Agaasimeyaasha, la-taliyeyaasha iyo howlwadeennada xafiiska ayuu si rasmi ah xilka ugula wareegay Kamaal Guutaale oo dhawaan uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Xoghayaha cusub oo munaasabadda ka hadlay ayaa ballan qaaday in uu la imaan doono hufnaan shaqo, isla markaana uu dardargelin doonno howlaha uu Qaranka Soomaaliyeed u hayo xafiisku, isaga oo codsaday in si dhow loola shaqeeyo.

Sidoo kale, waxa uu Xoghayihii hore ee xilka wareejiyey Maxamed Abuukar Subeer, ayaa uga mahadceliyey howlwadeennada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha sidii wanaagsanayd ee ay ula shaqeeyeen muddadii uu xilka hayey, waxuuna Xoghayaha cusub ee xilka uu kala wareegay u rajeeyey in Alle u fududeeyo howsha baaxadda leh ee hortaalla.

- Advertisement -