Labada aqal ee Baarlamanka Somalia oo yeeshay kulan looga hadlay ajende xasaasi ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 8-aad Labada Gole ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Fadhiga maanta ee Labada Gole waxaa Guddoomiyaha ku weheliyay guddoomiye ku-xigeennada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa uu ajandahu ahaa warbixinta akhrinta 2-aad ee xisaab xirka Miisaaniyad sanadeedka 2022-kii.

Xoghayaha Guddiga Maaliyadda iyo Odoroska Miisaaniyadda Labada Aqal ee BJFS ayaa Xildhibaannada labada gole warbixin guud ka siiyay halka ay mareeyso xisaab xirka miisaaniyad sanadeedka 2022-kii isagoona mid mid u dul istaagay qoondooyinki ku baxay wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka iyo Dawladaha Xubanaha ka ah.

Xildhibaannada ayaa su’aalo weeydiiyay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqafaar Xange, isagoona ka jawaabay su’aalihii la weeydiiyay, waxaa uuna mid mid ugu sharxay, qoondihii ku baxay Dowladda sanadii 2022-kii.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gunaanadka kulanka soo xiray  ayaa sheegay in wixii su’aalo ah ay qabaan lagu wareejiyo guddiga iyadoo qoraal ah si loogu soo daro akhrinta 3-aad, loogana soo shaqeeyo waxyaabaha ka harsan dooda Xildhibaannada.

- Advertisement -