Cali Guudlaawe Abaabul dagaal ka wada Guulane lana hadlay dadweeyne badan (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo wada abaabul lagu ciribtirayo Kooxda Al Shabaab ee ku sugan gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa maanta booqasho ku tagay deegaanka Guulane.

Madaxweynaha oo socdaalkaan booqashada ah ay ku wehliyeen taliyaha ciidanka xoogga dalka Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiiin, Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Taliyaha Guutada 3aad Qeybta 27aad ee CXDS Taliyaha Ciidanka Booliiska Hirshabeelle iyo Masuuliyiin kale ayaa jeedkoodu ahaa abaabul bulsho oo ka dhan ah Al Shabaab.

Madaxweynaha oo boqolaal dadweyne ah kula hadlayay deegaanka Guulane ayaa ku bogaadiyay sida geesinimada leh ay wajaheen Al Shabaab, isagoo markale ugu baaqay inay usoo baxaan dhameystirta iyo baabi’inta cadowga dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Cali Guudlaawe ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa deegaanno iyo degmooyin kuyaalla gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxa uuna halkaasi ka waday abaabul dagaal la doonayo in Al Shabaab looga sifeeyo guud ahaan gobolka Sh/Dhaxe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -